Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan deg deg ah galabta isugu yeeray saraakiisha ciidamada qaranka Soomaaliya, kulankaas ayaa ka dhacay xarunta weyn ee NISA ee Habarkhadiija, sida ay ogaatay Warbaahintu.
Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha, iyadoo si weyn loo gorfeeyey inta uu gaarsiisan yahay damaca Itoobiya, waxa Soomaaliya la gudboon iyo sida cudud military loogu difaaci karo dalka.
Sidoo kale Madaxweynaya ayaa saraakiisha weydiiyey waxyaabihii ka dhaqan galay go’aano lagu gaaray shir kan ka horeeyey oo Muqdisho ka dhacay, sida aan ku helnay xogtaan.
Waxaa la xisaabiyey ciidamada heeganka ah iyo goobaha ay kala joogaan, sidoo kale waxaa laga hadlay khataraha ka imaan kara ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya.
Saraakiisha ayaa madaxweynaha u sheegay in duleedka Muqdisho ay ka socdaan howlgallo joogto ah, khataro badan laga hortegay iyo in dad badan lagu soo qabtay howlgallada ka socda daafaha caasimadda ee amarkiisa lagu aaday.