Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo Hanjabaad Culus u diray Dadka Qaraabada La Ah…..

Xasan shiikh oo Hanjabaad Culus u diray Dadka Qaraabada La Ah…..

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhowaaqay inay dambi tahay in qofka uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay dambi tahay oo ciqaab adag lagu muteysan karo xitaa haddii uu qof qaraabada ah oo kooxda ku jira uu isaga kula soo sameeyo wicitaan.

“Kuma soo wici karo, mana wici kartid waa dambi ogow taas,“ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay in ciqaab adag lagu muteysan karo in xiriir lala sameeyo qof ku jira ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Qofka haddii la ogaado inuu wacay qof (Al-Shabaab) ku jira ama isaga uu la soo sameeyay xiriirka maxkamad ayaa la horgeynayaa.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaan loo cuskanayo sharciga la-dagaalanka argagixisada, uuna qabanayo qofka xiriir la sameeya qof kooxda ku jira ama xitaa uu asagu soo waco.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin kooxda, maadama sida uu sidoo kale jiro xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saran ururada ka soo horjeeda dowladda, sida uu sheegay madaxweynaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in lala macaamilo kooxda Al-Shabaab, waxaana tallaabadan ay noqoneyso mid lagu sii xoojinayo amarka in aan wax macaamil ah lala sameyn karin kooxda ay dowladda dagaalka kula jirto.

Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah oo wejigiisa koowaad uu dardar horleh ku bilowday, islamarkaana kooxda looga xoreeyay degmooyin iyo deegaan muhiim ah oo sanado ka talinayeen, ayaa waxaa bilihii dambe ku yimid gaabis, kaasi oo loo tirinayo hoggaan xumo haysata ciidanka.

Si kastaba, Madaxweynaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay bilaabay dadaal dhiig cusub loogu shubayo howl-galka, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka oo dib u dhac weyn ku yimid.

Ad
Previous articleMadaxwene Ruto oo kala diray goloha wasiirrada
Next articleMuxuu Yahay Dhaawac weyn ee Soo gaaray hanka soo laabasho ee Farmaajo?