Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Halkaan Arin ku amaanay Ismaacil Cumar Geele

Xasan Shiikh oo Halkaan Arin ku amaanay Ismaacil Cumar Geele

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

Ad
Previous articleSarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Puntland oo xog xasaasi ah shaaciyey
Next article𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑/𝐖 𝐗𝐚𝐦𝐳𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐤𝐚 𝐚𝐟𝐠𝐚𝐦𝐛𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐆𝐮𝐮𝐝𝐥𝐚𝐚𝐰𝐞