Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xasan shiikh oo Digniin Adag U Diray Ganacsatada Alshabaab Lacagaha Siiya

Xasan shiikh oo Digniin Adag U Diray Ganacsatada Alshabaab Lacagaha Siiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleRobot loo bixiyay Garaad ayaa maanta Muqdisho lagu soo bandhigay
Next articleAmar uu soo Saaray Axmed Madoobe oo Ka Shaqeyn Waayay Jubbland