Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u...

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu soo laabtay Muqdisho si uu kulammo kula qaato Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Imaaratka Carabta, waxay intoobada kulamadaan xooga lagu saaray ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka, isaga oo ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada Al shabaab ay uga dulqaadi lahaayeen dadkeenna ay dhibaataynayaan argagixisadu.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowanahaan waxa ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al shabaab iyo duqeymaha lagu naafeenayo awooda kooxdaasi iyo saldhigyadoodi.

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in

Ciidanka Puntland oo lagu weeraray buuralayda Xabley ee Gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada

Ciidanka Ahlu-suna oo dib loo dhisayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo

Caalamka:- Dibad -baxyo xoogan oo ruxay Gobolo ka tirsan Dalka Turkiga

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga

Ku Dhawaad 145 Somali ku Xirneyd Libiya oo dib loogu soo Celiyay dalkooda

145 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo ay xabsiyada Libya ku jireen. Muwaadiniintan, oo
Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka