Dawladda Eritrea ayaa ku sifeysay heshiis madmadow badan ku jiro oo aan shacabka Soomaaliyeed u wanaagsaneyn Heshiiskii Ankara ku dhexmaray Itoobiya & Soomaaliya, oo u ogolaanayay in Itoobiya ay Badda Soomaaliya joogid kuyeelato.
Lataliye sare oo katirsan wasaaradda Arrimaha dibada Eritrea oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in ay u arkaan heshiiskaas mid aan u wanaagsaneyn Soomaaliya, mugdi badana ku jiro, aysana Eritrea raali ka aheyn.
Sida aan 4 maalin kahor sheegnay Asmara iyo Qaahira ayaa Heshiiskaas kaa maqlay warbaahinta, waxayna aad uga xumaadeen habdhaqanka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.
Eritrea ayaa sheegtay in Heshiiskii Asmara ku dhexmaray dalalka Somalia, Masar & Eritrea uu ahaa mid lagu caawinayay Soomaaliya, oo ay sidaas codsatay in laga difaaco Itoobiya.
MW Xassan Sheekh ayaa kusugan dalka Eritrea hadda, sidaas oo kale wasiirka arrimaha dibada ayaa raaligalin loogu diray Masar, halka Wasiiru dowlaha arrimaha dibadana loo diray raadinta raali ahaanshaha Abiy-ga Itoobiya.