Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia iyo dowladda Jabuuti ayaa xaqiijiyay in cabasho weyn loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Xasa Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay May 2022, wuxuu saaxiib aad u dhow ka dhigtay Afwerki, isaga oo dalka Eritrea booqday muddadaas illaa 8 jeer, taasi oo ah tii ugu badneyd ee uu sameeyo madaxweyne Soomaali ah muddo aad u kooban.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu Xasan Shiikh si toos ah ugu gudbiyay walaac weyn oo uu ka qabo awood sii kordheysa oo uu Afwerki ka helayo xiriirka Soomaaliya.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay kulankii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Eritrea oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, isagoo su’aal geliyay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho oo halkii loo doortay Asmara.
Tan iyo markii Xasan Shiikh xilka la wareegay, siyaasadaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay keeneen jahawareer ku yimid xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka, iyadoo xiriirka cusub uu la yeeshay Eritrea sii kiciyay xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.Â