Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Booqday Dhawacyadii Macawislayda Hiiraan iyo Kuwa Xooga Dalka

Xasan Shiikh oo Booqday Dhawacyadii Macawislayda Hiiraan iyo Kuwa Xooga Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey.

Dhaawcayda ciidamada ayaa ku jira isbitaallada xoogga dalka iyo qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamadan oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

“Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna. Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo isbitaalka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, madaxweynaha ayaa oo warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Agaasinta Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeeyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXaalada magaalada Gaalkacyo oo Dagaal qarka usaaran iyo Dad lagu laayay
Next articleAlshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Is laayay