Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Booqday Ciidanka Soomaaliyeed ee Kusugan Ereteriya(Sawiro)

Xasan Shiikh oo Booqday Ciidanka Soomaaliyeed ee Kusugan Ereteriya(Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa dalka Eritrea ayaa wuxuu kormeer ku tegay xerada ay ku tababaranayaan ciidamada cirka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga dhageystay warbixinno kala duwan macallimiinta iyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamada, intaasi kadibna wuxuu la hadlay ciidamada uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo.

Sidoo kale wuxuu xusay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida.

Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa dhismaha ciidamada kala duwan ee xoogga dalka, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo weli ku xooggan deegaanada qaar.

Ad
Previous articleFaam Guutaale oo Xalay lagu Dhaawacay Muqdisho
Next articleDagaal Culus oo Dhexmaray Hiiraan State iyo Hirshabeele