Home Wararka Maanta Xasan Shiikh iyo Antony Blinken oo kulamo Xasaasi ah Yeeshay Maantay

Xasan Shiikh iyo Antony Blinken oo kulamo Xasaasi ah Yeeshay Maantay

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, iyaga oo ka wada-hadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa wada-hadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

Blinken ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka uu galiyay la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama laga gaaray guullo waa wayn, lana xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.

Wada-hadalladan dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla markaana dowladda Soomaaliya ay waddo qorshayaal ballaaran oo ku aadan horumarinta dalka, maadaama bilihii u dambeeyay ay gaartay guullo waa wayn.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo Ka Qarxay Degmada Bardaale
Next articleNISA oo Xabsiga Ku Gurtay Ganacsato Alshabaab Lacago Siinaayay