Home Wararka Maanta Xasan Sheikh: Maalinta berri, Muqdisho waxay muujinaysaa awooddeeda dimuqraadiyeed

Xasan Sheikh: Maalinta berri, Muqdisho waxay muujinaysaa awooddeeda dimuqraadiyeed

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada golayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ee berri ka dhaceysa caasimadda ay tahay mid taariikhi ah oo astaan u ah dib u soo kabashada dowladnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in ilaa 20 urur siyaasadeed ay ku tartami doonaan doorashada, taasoo noqonaysa tii ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda muddo ka badan 57 sano.

“Doorashada golaha deegaanka ee berri ka qabsoomi doonta gobolka Banaadir waxay dalka, dadkeenna iyo dowladnimadeenna u leedahay micne aad u weyn. Waxay noqonaysaa doorashadii ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda muddo ka badan konton iyo toddobo sano, waana taariikh mudan in loo dabbaal dego,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa tilmaamay in doorashadani ay caddeyn u tahay in caasimaddu ammaan tahay, islamarkaana shacabka Banaadir ay yihiin dad ilbax ah, nabadda jecel, diyaarna u ah inay si dimuqraadi ah u doortaan cidda matali doonta.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay muwaadiniinta diiwaangashan ee qaatay kaarka codeynta inay si ballaaran uga qayb qaataan doorashada, kana digay cabsi gelin, iyo caqabado lagu hor istaagi karo xaqooda dastuuriga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay doorka hay’adaha ammaanka, isaga oo ku boorriyay inay sugaan amniga una fududeeyaan habsami u socodka doorashada, halka shacabka uu ugu baaqay inay gacan ka siiyaan sugidda nabadda.

Wuxuu sheegay in indhaha caalamku ay ku soo jeedaan Muqdisho 25-ka Diseembar 2025, islamarkaana sida ay u dhacdo doorashadu ay noqon doonto mid lagu qiimeeyo horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid, iyadoo Golaha Samatabixinta Qaranka uu doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir ku tilmaamay mid aan ahayn doorasho xor iyo xalaal ah, balse ah qorshe hal dhinac iyo hal xisbi uu wato, laguna marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Ad