Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay xafladda rasmiga ah ee furitaanka biyo-xireenka weyn ee Itoobiya dhistay mashruuca “Grand Ethiopian Renaissance Dam” (GERD).
Munaasabaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisado siyaasadeed iyo militari sii kordhaya ay u dhaxeeyaan Dowladaha Masar iyo Itoobiya, iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ciidamo Masar ah lagu wado inay dhawaan soo gaaraan Soomaaliya.
Biyo-xireenka GERD ayaa ah mashruuc muhiim u ah Itoobiya, waxaana loogu talagalay in laga dhaliyo koronto aad u badan si kor loogu qaado horumarka dhaqaale iyo tamarta dalka.
Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in mashruucu yahay mid horumarineed oo aan cidna wax u dhimayn, Hase yeeshee, Masar iyo Suudaan ayaa muddo dheer ka cabsanayay saameynta uu biyo xireenku ku yeelan karo qulqulka biyaha Webiga Nile, oo nolosha malaayiin qof oo reer Masar ah ku tiirsan tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay weheliyaan saraakiil sare oo Soomaaliyeed ayaa joogay xafladda furitaanka, taasoo calaamad u noqon karta in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu sii xoogeysanayo.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xasaasi ah oo gobolka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah.
Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ciidamo Masar ah lagu wado inay soo gaaraan gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan weli si rasmi ah u caddayn ujeedada iyo tirada ciidamadaas.
Arrintan ayaa loo fasiran karaa in Masar ay doonayso inay kor u qaaddo saameynteeda gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan iyadoo ay sare u kacayso xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.
Xaaladda siyaasadeed iyo militari ee Geeska Afrika ayaa maraysa meel xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu dhex milmayso khilaafka Itoobiya iyo Masar.
Ka qaybgalka madaxweynaha Soomaaliya ee furitaanka biyo-xireenka Itoobiya iyo imaanshaha suurtagalka ah ee ciidamada Masar, waxay muujinayaan isbeddel weyn oo ka socda siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.