Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday...

Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada Dalka

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka, isaga oo shaaciyay cidda ka dambeysa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalladan soo noqnoqday uu kamid yahay qorshaha ay Al-Shabaab isaga horkeeneyso beelaha Soomaaliyeed, si ay uga dhex faa’iideysato.

Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga jeediso dagaalka culus ee looga xoreynayo dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka iyo dadka deegaanka

“Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka Khawaarijta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka dowlad goboleedyada ee ku aadan daminta colaaddaasi, wuxuuna xusay in cid kasta looga baahan yahay inay qaadato kaalinteeda.

“Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha.

Waxaa kale oo uu yiri “Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dagaal ugu dambeeyay uu ka socdo degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMuxuu Yahay Shirka Dhuusamareeb ugu Furmaaya Dowlada Iyo Maamul Goboleedyada?
Next articleBeelaha Dir Iyo Shiikhaal oo Heshiis Ka Gaaray Dagaalkii Qaraaraa ee Dhawaan Dhexmaray(Sawiro)