Home Wararka Maanta Xasan Ibraahim oo Dhawaan Gaari Dowladu Leedahay Alshabaab u Geeyay oo Gacanta...

Xasan Ibraahim oo Dhawaan Gaari Dowladu Leedahay Alshabaab u Geeyay oo Gacanta Lagu soo dhigay

0

Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo Janaayo 2023 gaari Hardtop ah kala goostay wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland, kuwaas oo u galay Alshabaab, balse dabagal dheer kadib Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan.

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa October 2023, sidaan oo kale waxay Muqdisho ku qabteen Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi oo ninkaan hadda lasoo qabtay la socday, kalana shaqeeyey inay gaarigaas la goostaan, si Alshabaab ay uga iibsadaan.

Soo qabashada raggaan waxay muujineysaa in kuwa dhagarta maleegaya aysan ka baxsa karin gacanta hey’adaha ammaanka Soomaaliya oo meel kasta lagu qaban karo.

Ad
Previous articleAabe 70 jir ah oo Muqdisho ku dilay Wiilkiisa Kadibna Baxsaday
Next articleXukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasaradaha haatan ka jira badda cas