Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maantay ku sii jeeda dalka Turkiga, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweynaha ku tagayo Turkiga, ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Erdogan ayaa wada dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo dhammeeyo xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer diiday inuu la kulmo Abiy Ahmed, isagoo ka hor-yimid dadaalo ay wadaan Madaxda Gobolka oo la doonayay in lagu kulansiiyo, iyadoo Madaxweynuhu horay u caddeeyay in aanu la kulmi doonin illaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiiskii MOU-ga ay la gashay Maamulka Somaliland.