kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
Ilo wareeedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska.
Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku neef qabatoobay dabka qabsaday xarunta oo baabi’iyay hantidii taallay dhismaha la weeraray.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo noqonaya kii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso.