Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Barre oo Deg Deg usoo Magaacabay BoosaskaWasiiradii Jubaland ee is...

Xamse Cabdi Barre oo Deg Deg usoo Magaacabay BoosaskaWasiiradii Jubaland ee is Casilay

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo magacaabay labo wasiir oo buuxinaya boosaskii ay shalay iska casileen wasiirro ka soo jeeda Jubbaland oo ka carooday siyaasadda dowladda federaalka ay ka leedahay Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxos Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdirashiid Maxamed Ducaale u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS.

Labadaan kursi waxaa shalay iska casilay Cabdirashiid Jire iyo Xildhibaan Daqare, kuwaas oo sheegay inay u dul qaada waayeen sida dowladda federaalka ay ula dhaqmeyso Jubbaland, Puntland iyo Khaatumo.

Magacaabistaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisadda dowladda federaalka iyo Jubaland ay ka sii dareyso, kadib markii Axmed Madoobe uu xalay kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metala Jubbaland.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta xildhibaanada ka diiday inay aadaan Jubbaland, kadib markii ay ugu tageen xafiiskiisa, si ay uga fasax qaataan.

Kulankii Aadan Madoobe iyo xubnaha aqbalay casuumadii Axmed Madoobe ayaa ku soo dhamaaday hanjabaad, waxayna guddoomiyaha u sheegeen inay fowdo ka abuuri doonaan kulamada baarlamaanka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya iyo kenya oo Wafdi Qarsoodi ah U diray Kismaayo
Next articleDiyaarad Dagaal oo Waday Gantaalo Culus oo Ku dhacday Magaalo Alshabaab Maamulaan