Home Wararka Maanta Xamaas oo ka hadashay Waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Hoggaankooda

Xamaas oo ka hadashay Waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Hoggaankooda

0

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ayaa waaran soo qabasho ah u jartay saddex hoggaamiye oo katirsan ururka Xamaas, kuwaa oo maxkamadda ku eedeysay in xasuuq geesteen ayna qeyb ka yihiin colaada dhiigga badan ku daatay ee Gaza ka socota.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC Karim Khan  ayaa sheegay hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal.

Waxa uu sheegay raggan hoggaanka u ah ururka Xamaas ay galeem dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada  oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jirdil.

Ururka Xamaas ayaa si kulul  u dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xiro saddex ka mida saraakiisha sar sare ee ururkooda, waxa ayna sheegeen Xamaas in dagaalka ay ku jiraan uu yahay is-difaac.

Xamaas ayaana ku eedeeysay dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey, waxa ayna Xamaas sheegeen in kuwa damniga galay yihiin Israa’iil ,halka dhankooda ku jiraan dagaal is-difaac ah.

Waaranka soo qabashada ah ee kasoo baxay dacwada oogaha katirsan maxkamadad ICC ayaa waxaa si isku mid ah uga yimid Israa’iil iyo Xamaas , kuwaa oo midba kan kale ku eedeeyay dambiga dhibka dhacay ayna mudan tahay in lala xisaabtamo.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleXukunka adag oo lagu Riday ninkii Dilay Maama Khadiija oo Biyo Waydiistay
Next articleDowladda Mareykanka oo si adag uga soo horjeesatay ammarka maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC ee israil ku wajahnaa