Home Wararka Maanta Xamaas oo hambalyeysay weerarka lagu dilay Israa’iiliyiin iyo Netanyahu oo maanta...

Xamaas oo hambalyeysay weerarka lagu dilay Israa’iiliyiin iyo Netanyahu oo maanta ku tilmaamay maalin adag

0

Ururka Xamaas oo war uu soo saaray soo dhigay bartiisa internet-ka ayaa ku tilmaamay weerarka “hawgal halyeynimo ah oo uu fuliyay mid kamid ah nashmiyiinta Urdun, waana fal celin dabiici ah oo looga jawaabayo fallalka cadowtooyo ee Israa’iil ku hayso dadka ku nool Qasa iyo Daanta Galbeed ee la haysto”.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Bin Yamiin Netanyahu ayaa isna ku sifeeyay weerarka lagu dilay sedexda Israa’iiliyiinta ah “maanta waa maalin adag, waxana nagu hareereysan afkaar wax disha oo asalka shartoodu ka imaanayso Iiraan”.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in la xiray dhammaan marinada xuduudda ee ay la leeyihiin Urdun kaddib markii sedex Israa’iiliyiin ah lagu dilay rasaas lagu furay meel ku dhaw Marinka Al-nabi ee buundada Boqor Xuseen ee xuduudda Israa’iil iyo Urdun.

Mareegta “Kaan” ayaa sheegtay in qof haysta dhalashada Urdun uu rasaas ooda uga qaaday sedex shaqaale Israa’iiliyiin ah Marinka ku yaala meel u dhaxeysa Daanta Galbbeed ee la haysto iyo Urdun.

Waaxda Adeegga Gurmadka Degdeg ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in sedex qof lagu dilay tacshiiradda.

Ad
Previous articleDowladda Masar oo diyaarado cusub oo dagaal ay kasoo iibsanaysa Shiinaha, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhexeysa Itoobiya.
Next articleMaxakamada Sare oo Ayana Dil Toogasha Ku xukuntay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey”