Home Wararka Maanta Xamaas oo Afar Maxbuus oo Haween ahaa Maantay ku badashay Boqolaal Maxabiis...

Xamaas oo Afar Maxbuus oo Haween ahaa Maantay ku badashay Boqolaal Maxabiis ah oo laga Haystay

0

Xamaas ayaa maanta sii deysay afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaasi oo ay ku bedelatay ilaa 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Is-dhaafsigan oo qeyb ka ah heshiis xabbad-joojinta ah oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ka socday Gaza.

Afarta qof ayaa la geeyay fagaare ku yaal magaalada Gaza oo ay ku sugnaayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah, waxaana hareeraha ka taagnaa tobanaan ka tirsan ciidamada Xamaas oo hubeysan.

Waxa ay gacan haadinayeen dadka iyagoo dhoola-cadeynayayay ka hor intii aan la kaxeynin, waxaana lagu qaaday gawaarida hay’adda ICRC oo u geeyay ciidamada Israel.

Askartan oo kala ah; 1- Karina Ariev, 2- Daniella Gilboa, 3- Naama Levy iyo 4- Liri Albag, ayaa dhamaantood ka howl-galayay aag ku yaalla agagaarka Gaza, waxaana afduubay dagaalyahannada Xamaas oo xoog ku qabsaday xaruntooda intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii October, sanadkii 2023-kii.

Waalidiintood ayaa markii ay shaashadda ka arkeen sacab iyo farxad la ooyay, iyagoo si toos ah sii deynta uga daawanayay saldhig ciidan oo ku yaalla xadka.

Magaalada Tel Aviv, boqolaal Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu magacaabo Hostages Square, iyagoo muujinayay farxadda sii deynta askarta oo ay ka daawanayeen shaashad weyn.

Askarta la sii daayay ayaa qoysaskooda dib ula midoobay wax yar ka dib, sida laga soo xigtay militariga, waxaana loo qaadi doonaa isbitaal ku yaal bartamaha Israel, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel,

Farxadda sii deynta haweenkan ka tirsanaa ciidamada ayaa waxaa barbar socday niyad jab ka dib markii haweeney rayid ah oo lala sii deyn lahaa afarta askari laga waayay liiska dadka ay Xamaas sii deyneyso.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay in la jebiyay xabbad joojinta, halka Xamaas ay sheegtay in ay tahay arrin farsamo.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Falastiiniyiinta Gaza aan loo oggolaan doonin in ay dib ugu soo laabtaan dhanka waqooyi ee Marinka illaa inta arrintan laga xallinayo.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka barakacay waqooyiga Gaza intii uu socday dagaalka.

Sarkaal Falastiini ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhexdhexaadiyeyaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa arrintan.

Xamaas ayaa sheegtay in 200 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii deyn doono maanta taas oo qayb ka ah is-dhaafsiga. Waxaa ka mid ah maleeshiyaad lagu xukumay xabsi daa’im. Ku dhawaad 70 ka mid ah ayay Xamaas sheegtay in lagu wado in la tarxiilo.

Is-weydaarsiga dhacaya Sabtida maanta ah ayaa ah kii labaad tan iyo markii ay bilaabatay xabad joojinta 19-kii Bishan Jannaayo islamarkaana Xamaas ay wareejisay saddex dumar ah oo Israa’iiliyiin rayid ah oo ay ku beddelatay 90 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGuri ninkii ajnaabiga ahaa ee Lagu Dilay Boosaaso oo Gurigiisa laga Helay Wax laga Naxay
Next articleGudoomiye Cabdifataax Nuur Mataan oo qarax Culus lagu Dilay