Home Wararka Maanta Xalaada Shirka Golaha wadatashi Qaran oo Sii Adkaatay Maxaa Laga Dooday Maantay?

Xalaada Shirka Golaha wadatashi Qaran oo Sii Adkaatay Maxaa Laga Dooday Maantay?

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalinkii labaad iyadoo maanta laga doodday sharci la’aanta maamullada iyo doorashada guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu maanta miiska u saaray maamullada in ilaa bisha June 2025 looga shaqeeyo dhismaha gudiga doorashada, sharciga doorashooyinka iyo qabashada doorashada Golaha Deegaanka, markaa kadibna guud ahaan dalku aaddo doorasho guud oo qof iyo cod ah, wixii ka dambeeya bisha June 2025.

Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa arrintaas madaxa u ruxay laakiin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ka horyimid iney maamulladu doorasho la’aan sii jooggaan kuraasta, iyo in go’aan laga gaaro doorasho qof iyo cod ah iyadoo ay Golaha ka maqantahay Puntland. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa dalbaday in maamulka Khaatumo lagu soo daro Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo adkeysay xaaladda kulanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse ayaa la sheegay iney gaar Axmed Madoobe ula shireen lamana oga waxa ay ku dhameysteen, kadibna waxay hada Xasan Sheekh iyo Xamse shir gaar ah kula jiraan Qoor Qoor iyo Lafta Gareen. Shirka ayaa u baahday maalin dheeri ah waxaana la isku soo laaban doona berri hadii Alle idmo.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qodobada Laisku Mari la’yahay ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Lubanaan oo Qaraxyo Gilgileen