Macluumaad iyo faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa tiro madaafiic ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.,
Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guryo ku yaalla xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad isku qoys ah oo deganaa guryahaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo xaamilo aheyd oo isbitaalka ku geeriyootay, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray 4 qf oo kale.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicdaan laga soo tuuray dhanka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xubnaha fuliyay weerarkan ay wateen gaari, isla-markaana ay hoobiyaha la fuuleen buur ku taalla degmada Kaxda, kadibna ay sidaas kusoo duqeeyeen qaybo kamid ah xaafadaha ku yaal caasimada.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa dhankooda innoo xaqiijiyay inay arkeen xubnaha Al-Shabaab oo saaran buurta, kadibna ridaya hub culus, taas oo keentay in cabsi xoogan ay dareemaaan shacabka oo mar dambe isugu soo baxay banaanada hore.
Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.
Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.