Home Wararka Maanta Xabsiga miyuu ka baxsaday Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir?

Xabsiga miyuu ka baxsaday Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashiir?

0

Halka uu ku sugan yahay madaxwaynihii hore ee Sudan Cumar Al-Bashir ayaan ilaa iyo imika cadeyn, xilli la sheegay in ay jiraan maxaabiis xabsiyada dalkaasi ka baxsaday.

Saraakiil hore uga tirsaneyd dowoladdii Cumar Al-Bashiir ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen xabsiga Kober ee ku yaalla magaalada Kartuum,.

Ma cadda ilaa iyo imika in Cumar Al-Bashiir oo loo xiray falal musuqmaasuq oo dhacay 30-kii sano ee uu dalkaasi xukumayay uu ka mid yahay dadka baxsaday.

Hasa yeeshee telefishinka, Al Jazeera ayaa Talaadadii isaga oo soo xikanaya xubna ka mid ah qoyska Al-Bshiir waxaa uu sheegay in lagu daweynayo isbataal militari oo ku yaalla caasimadda Sudan ee Khartuum.

Sargaal ka tirsan xisbigii ka arrimin jiray Sudan ee (NCP) oo ka mid ah dadka xabsiga ka baxsaday ayaa u sheegay wargeyska Al-Sudani ee ka soo baxa dalkaasi “in waaxda garsoorka ay isu dhiibi doonaan marka ay xaaladu saamaxdo”.

“Waxaan gaarnay go’aan ah inaan nafteena badbaadino taasi oo ay sabab u tahay arrimo ammaan darteed, cunno iyo biyo la’aan iyo waliba maxaabiista qaar oo ku dhintay gudaha xabsiga Kober,” ayuu yiri Axmed Haruun.

Haroun ayaa waxaa lagu eedeeyay danbiyo dagaal taasi oo horey uu isaga u beeniyay.

Waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in uu sameeyay kicin dadweyne iyo rabshado lagula kacay dadka gobolka Darfur. waxaa la xiray 2019 ka dib afgembigii lagu sameeyay xukuumaddii Al-Bshiir.

Xabsiyada ayaa lagu soo waramayaa in la bartil maameedsaday iyadoo dagaalka u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda uu socdo todobaadkii labaad.

Koonfurta Darfur ee caasimadda Nyala, ugu yaraan 750 maxbuus ayaa lagu soo waramayaa inay baxsadeen ka dib mudaaharaadyo iyo rabshado ay sameeyeen maxaabiista, halka boqolaal kalena ay ka baxsadeen xabsiyada kale ee Khartoum iyo Omdurman.

Cumar Al- Bashiir ayaa waxaa xukunka ka tuuray militariga ka dib mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacay dalkaasi 2019-kii.

Tan iyo markaas, dalka Suudaan waxaa soo maray qalalaase joogto ah iyo dhowr isku day afgambi.

Bashir waxa ay ICC ku eedaysay inuu hormuud ka ahaa olole dil iyo kufsi ah oo ka dhacay gobolka Darfur ee dalka Suudaan, taasoo uu beeniyay.

Ugu yaraan 459 qof ayaa ku dhintay iskahorimaadkan ilaa hadda, inkastoo tirada dhabta ah loo malaynayo inay intaa aad uga badan karto.

Kumanaan kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qaxeen Suudaan, waxaana Qaramada Midoobay ay ka digtay in tani ay u badan tahay inay sii socoto.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Kampala iyo ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay(Sawiro)
Next article55 Qof Oo Ku Geeriyootay Doon Ku Degtay Xeebaha Liibiya