Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xabsi la’aan heysto Soomaaliya, isla markaana la weysan yahay meel lagu xiro, dambiilayaasha, askarta qaladaadka gasha iyo xubnaha argagixisada ah ee nolosha lagu qabto.
Sida caadiga ah wuxuu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar loogu tala galay in lagu xiro 800 oo qof, balse hadda tiradaas la u jibaarkeed lagu xiray, isla markaana ay weli taagan tahay baahida xabsiyada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalin kasta la sii daayo dad aan dhameysan xabsiyadii ay ku xukunaayeen, si kuwo kale loogu xiro qolalkii ay ku xiraayeen, taas oo sida uu sheegay dembiyada dalka ka dhacaya sii kordhineysa.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xakameynta hubka lagu dhexsito caasimadda Muqdisho, kaas oo inta badan keena isku dhacyo, “Saraakiisha xukunta ciidamada banaanka ka jooga magaalada ee fasaxa ku soo gala magaalada waa inay xakameeyaan hubka,” ayuu yiri.
“Qof iska socda oo askari ah oo hebel aad u taqaano, hadii uu qalad kaa galana aad dacwey karto inaad xabad ku furto oo isagiina disho shacabkana leyso mid laguu xilsaartay maaha, iska ilaali fadlan,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.