Home Wararka Maanta Xabad-joojintii Somaliland oo burburtay iyo Dagaal Qaraar oo Haatan Socda

Xabad-joojintii Somaliland oo burburtay iyo Dagaal Qaraar oo Haatan Socda

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayadoo ay burburtay xabad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalkan waxa ay shaaca ka qaaday in soo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo qoraalkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in la jabiyay ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana goobaha lagu dagaalamay ay haatan ku sugan yihiin ciidamadooda.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in arrintan ay ku soo beegan tahay, kadib xabad-joojin shuruud la’aan ah oo ay sheegtay inay xalay ku dhawaaqday xukuumaddu.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMeydadka Soomaali kale oo laga soo saaray burburka dhulgariirka Turkey
Next articleHaween Nool oo 5 cisho ka dib laga soo saaray burburka dhulgariirka Turkiga(Sawiro)