Home Wararka Maanta Xaalada Magaalada Laasacaanood oo Kasii dartay iyo Dhimasho Badan oo ka dhacday...

Xaalada Magaalada Laasacaanood oo Kasii dartay iyo Dhimasho Badan oo ka dhacday Xili Muuse Biixi uu Baaq Diray

0

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in wali halkaasi ka jiraan xaalad kacsanaan ah, waxaana saakay xiran inta badan goobihii ganacsi ee ku yaallay magaaladaasi.

Magaalada Laascaanood waxaa xalay ka dhacay bannaan baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen shacabka magaaladaasi oo kasoo horjeeda ciidamada maamulka Somaliland, kuwaa oo dil u geestay shacab bannaan baxayay.

Ciidamada Somalilanda ayaa rasaas nool nool u adeegsaday dadka dhigayay bannaan baxa looga soo horjeeday, waxaana xalay magaaladaasi dhaawac ay u geesteen ciidamada Somaliland ugu geeriyooday wiil dhallinyaro, halka labo qof oo kalana horey u dileen.

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo ka carreesan dilalka kusoo noq noqday magaaladaasi ayaa wada abaabulka bannaan baxyo kale oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland ee magaaladaasi ka arrimiya.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay rabshadaha ka dhacay magaalada Laascaanood ee dhaliyay khasaaraha, waxa uuna ku baaqay in xaalada la dejiyo lagana shaqeeyo xasiloonida.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dilalka dhacaya iyo rabshada ay ka dambeeyaan  cadow  dagaal kula jira Somaliland. Waxa uu xusay in hadda ay gobolka ku suganyihiin wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta gobolka kuwaa uu ku booriyay in xaaladda dejiyaan.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ugu baaqay qaybaha bulshada ee gobolka Sool in xaaladda magaalada Laascaanood la xakameeyo oo ay ka shaqeeyaan in dhib dheeraad ah aanu ka dhicin magaalada.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo Qodobada Qaar Diiday
Next articleJeneraal odawaa oo Ka hadlay Sida Laga yeelaayo Ciidamada Laga Keenay Dalka Eriteeriya