Home Wararka Maanta Xaalada magaalada Gaalkacyo oo Dagaal qarka usaaran iyo Dad lagu laayay

Xaalada magaalada Gaalkacyo oo Dagaal qarka usaaran iyo Dad lagu laayay

0

xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa Saakay aad u kacsan waxaana laga Cabsi qabaa in Saacadaha soo socda Dagaal ka Qarxo Magalaadaas Ciidamo farabadan ayaana ku Qulqulaaya Gudaha Magaalada iyo Meelaha qaar laisku horfadhiyo.

Xalay ayaa Waxaa Magaalada lagu dilay nin Dhalinyaro ahaa oo lagu magaaci jiray cabaas kana soo jeeday beesha sacad kana mid ahaa ciidamada Isku dhafka ah ee magaalada Gaalkacyo Dilka ninkaan ayaa waxaa ka danbeeyey Maleeshiyaad ka tirsan Beesha laylkase oo weerar kusoo qaaday Fariisimo ay Ciidamada Isku dhafka ah fadhiyeen.

weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khsaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Cabaas ayaa ah Qofka geeriyooday Halka ninkalana ay xabad madax uga dhacday kaas oo haatan lagu dabiibaayo hospitaal ku yaala koonfurta Gaalkacyo.

beesha laylkase ayaana diiday inay qaataan nabad maamulka puntland ayaa asna isaga dhexbaxay beelaha sacad iyo laylkase kadib markii uu xakamayn waayay beesha laylkase oo magaalad qayb kadaga.

cabsi xoogan ayaana ka taagan saakay gaalkacyo taas oo ay muujinayaan shacabka iyo masuuliyiinta ku dhaqan magaalada Gaalkacyo xilikasta ayaana la fian karaa dagaal toos ah oo dhexmara labadaan Beelood oo mudo dheer ku dagaalamaayay Jiciboor balse haatan waxaa muuqata in gudaha Gaalkacyo laisla soo galay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDuqayntii Trump amray ee Buraha Galgala oo la shaaciyay Sarkaalkii lagu dilay
Next articleXasan Shiikh oo Booqday Dhawacyadii Macawislayda Hiiraan iyo Kuwa Xooga Dalka