Home Wararka Maanta Xaalad Culus oo laga Soo Shegaayo Madaxweyne Ismacil Cumar Geele

Xaalad Culus oo laga Soo Shegaayo Madaxweyne Ismacil Cumar Geele

0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaalad caafimaad loo dhigey cusbitaal ku yaalla dalka Faransiiska. Madaxweynaha oo isku diyaarinayay in uu magaalada New-York ee dalka Maraykanka kaga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xanuunsaday, iyadoo la dhigey cusbitaal ku yaalla Faransiiska.

Ilo-Wareedyo kala duwan oo ku sugan gudaha dalka Jabuuti oo aan la xidhiidhnay ayaa xaqiijiyay Xanuunka Madaxweyne Geelle, iyadoo shacabka dalkaasi uu warkani si weyn ugu dhex faafay.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Jabuuti kaasi oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in xaalkiisu culus yahay.

Ad
Previous articleXildhibaanadii Ugu Badnaa oo Mucaarad ah oo ku Kulmay Guriga Shiikh Shariif Xalay