Madaxweynayaasha waddamada Kenya iyo Jabuuti oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha dhimista ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa u muuqda inay kasoo horjeedaan qorshaha ay dowladda ku dooneyso in lagu dhimiyo tirada ciidamadaas oo 15 sano ka howlgalaya gudaha dalka.
Waxay ku doodeen in muhiim tahay in la ogaado marka hore in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab.
“Annagoo ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen AMISOM/ATMIS” ayay shirkooda jaraa’id ku yiraahdeen madaxweynaha waddamada Kenya iyo Jabuuti.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro bishan June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.