Home Wararka Maanta Wiilka Madaxweynaha Uganda oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka aabihii hayo

Wiilka Madaxweynaha Uganda oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka aabihii hayo

0

Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in uu u tartami doono xilka madaxtinimada dalkiisa marka la garo doorashada sanadka 2026-ka.

Muhoozi, oo ah Janaraal muran badan dhaliyay oo marar badan doodo ka dhex-abuuray baraha bulshada hadalladiisa awgood, ayaa sidaas ku sheegay qoraal iuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Khamiistii isagoo sheegay in dadku ay ka codsanayeen inuu ku dhawaaqo sharraxnaantiisa.

“Mar walba waxaad rabteen inaan sheego! hagaag, magaca Ilaahayga, magaca dhammaan dhalinyarada Uganda iyo kuwa adduunka iyo magaca dib u habeyn wanaagsan, waxaan u tartami doonaa madaxweynenimo sannadka 2026!” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Jenaraalkan aan hadalka la gabban ayaa dhowr jeer muran ka dhaliyey baraha bulshada waxaana ka mid ahaa mar uu sannadkii hore sheegay in uu bishii Jannaayo in uu laba isbuuc oo kali ah u baahan yahay si uu u qabsado magaalada Nairobi ee caasimadda dallka Kenya.

Ad
Previous articleCusaama Ibraahim Aadan oo lagu dilay dalka Canada Xili uu socday Goobtiisa Shaqada
Next articleGudoomiye Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ” Waa ka gudubnay kala qeybsanaantii Galmudug iyo Puntland”