Home Wararka Maanta Wiil Soomaali ah oo ka badbaaday dhulgariirkii Turkiga oo ka sheekeeyay waxa...

Wiil Soomaali ah oo ka badbaaday dhulgariirkii Turkiga oo ka sheekeeyay waxa uu lasoo kulmay

0

Waxaa dalalka Turkiga iyo Suuriya ka socdaa dadaallada loogu gurmanayo dadka ku go’doonsan buburka dhismayaasha hoostooda kadib dhulgariirkii ku dhuftay halkaas, waxaa jiraa ardey Soomaali ah oo ka wax baraneysay Turkiga oo lasoo badaabdiyay.

Magaalada Gaziantep oo ahayd halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyinka kale ee Turkiga waxaa ku sugnaa ardey Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.

Dadkaas waxaa kamid ah Yuusuf Calasow oo isaga iyo dhowr iyo 30 qof oo kale laga soo badbaadiyay magaalada Gaziantep oo kamid ah meelihii uu si daran ugu dhuftay dhulgariirkii saameeyay Turkiga.

Yuusuf Calasow wuxuu BBC-da u sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay ka qeyb qaadatay gurmadka looo fidiyay ardeyda Soomaalida ah ee ku go’doonsaneyd magaalada Gaziantep.

“Hadda waan nabad qabnaa waxaan ku suganahay magaalada Ankara oo aan saaka soo gaarnay, ilaa habeen hor waxaan la xiriirinaynay safaaradda Soomaaliya ee Ankara waxaan u sheegnay inta ay ardey ee Soomaali ah ee aan nahay ee ku go’doonsan magaalada , sidaa darteed, safaaradda ayaa naga caawisay in imaanno halkan , waxay inoo soo dirtay lacagtii aan baabuurta ku raaci laheyn oo qaali aheyd sidaas ayaan kusoo baxynay, xaley waxaan kusoo baxnay 36 qof dhammaanteen Ankara ayaan joognaa”.

Yuusuf wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay kala kulmeen dhulgariirka iyo waxa uu wadada kusoo arkay intii uu dhexda kusoo jiray.

“Wadada kasoo baxda magaaladii aan joognay ee soo aada Ankara wey burburtay oo lama soo mari karin, waxaan aragnay guryo dumay, dhismayaal dhulka galay waddooyinkii uu dil-dilaacay oo baabuurta aysan xitaa mari karin ,waxaana laga marayay waddo qardo-jeex ah , baraf ayaa aad u da’ayay , gawaarida gargaarka iyo gawaari kale oo shil galay “. ayuu yiri Yuusuf Calasow.

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay musiibo labaad, xilli boqollaal kun oo qof oo ku sugan gudaha dalalka Turkiga iyo Suuriya ay weli guryo la’aan yihiin amaba aanay haysan adeegyadii asaasiga ahaa kaddib dhulgariirkii Isniinta halkaas ku dhuftay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMucaaridka Somaliland oo Muuse Biixi ugu Soo jeediyay inuu Xabada Ka Joojiyo Laasacaanood
Next articleWAR DEG DEG AH: Daagaal Culus oo Alshabaab iyo Galmudug Dhexmaray iyo Alshabaab oo Degaano Hor leh laga saaray(Sawiro)