Hotel ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda koowaad ee Jeneraal Daa’uud waxaa saakay ka kacay dab xoog leh, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii deganaa hotelka ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray Dabaqa sare ee Hotelka, kadibna uu geeriyooday.
Dabka ka kacay Hotelkaas oo lagu magacaabo Himilo ayaa geystay kkasaare culus, markii laga soot ago dhimashada ninkaan, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadka qaar, halka alaabihii yaallay hotelka ay wada gubteen.
Nafta ayaa deg deg uga baxday marxuumka, waxaana la sheegay in la aqoonsa waayey ehelkiisa, banaanka Hotelka ayuu muddo yaalay meydka marxuumka.
Halgan adag kadib, markii la demiyey dabkaas waxaa la sheegay in dhaawacyadii ka dhashay iyo meydka wiilka iska soo tuuray Dabaqa loo qaaday isbitaalka Madiina.
Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka.
Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile.
Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay.