Home Wararka Maanta WHO oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza

WHO oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza

0

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen isbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza.

Isbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan isbitaalada.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yiri Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa.

Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo Laga Baafinaayo Maxkamada Gobalka Banaadir
Next articleOsama Hamdan oo Dalalka Islaamka Sadex Cosdi U diray