Home Wararka Caalamka Weriyihii BBC ee la la’aa maalmihii lasoo dhaafay oo meydkiisala helay

Weriyihii BBC ee la la’aa maalmihii lasoo dhaafay oo meydkiisala helay

0

Xaaska weriyihii BBC ee TV-ga iyo raadiyaha Dr Michael Mosley, oo lagu waayay jasiiradda Symi ee dalka Giriiga, ayaa ku sifeeysay “ninkeeda, mid cajiib ah, qosol badan, naxariista leh oo qurux badan”

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay Clare Bailey Mosley ayay ku sheegtay in ninkeeda ” uu sameeyay in u fuulo meel sare oo uu qaaday waddo qaldan, uuna ku dhacay meel aan si fudud loo arki karin”

Meyd ayaa laga helay goor soo horreysay maantay oo Axad ah agagaarka xeebta Agia Marina ka dib markii Mosley la waayay xilli uu fasax ku qaadanayay jasiiradda isaga iyo xaaskiisa.

Wuxuu ka tagay xeebta Agios Nikolaos ka hor inta uusan u dhaqaaqin bartamaha jasiiradda maalintii Arbacada. Maalintaas aad bay u kululeeyd Symi, iyadoo heerkulku uu gaaray 40C galabtii

Ilo ka tirsan booliiska ayaa BBC-da u sheegay in qofka dhintay uu meeyd ahaa”muddo maalmo ah”

Weriyahan Telefishinka ayaa ahaa nin caan ah, wuxuu caan ku ahaa barnaamijyada BBC-da oo ay ka mid yihiin podcast-ka Just One Thing iyo taxanaha barnaamijka, Trust Me, I’m A Doctor.

Baadi goobkiisa waxaa ka qeeyb qaatay dhinacyo badan oo ay ku jiraan diyaardaha qumaatiga u kaco.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo safar ugu baxay dal kuyaalla Yurub iyo xog ujeedka safarkiisa
Next articleAskar ka Tirsan Israil oo Is Dilay kadib Markii loo Sheegay in GAZA lagu Celinaayo