Home Wararka Maanta Wejigii dhabta ahaa ee Fircoon oo markii ugu horeysay la soo bandhigay(Sawiro)

Wejigii dhabta ahaa ee Fircoon oo markii ugu horeysay la soo bandhigay(Sawiro)

0

Wajiga Fircoonkii hore ee Masar ugu awooda badnaa, Ramesses II, ayaa la arki karaa markii ugu horeysay muddo 3,200 sano ah iyadoo ay ugu wacan tahay dib-u-dhis cilmiyeed cusub oo lagu sameeyey.

Saynisyahano u dhashay Masar iyo Ingiriiska ayaa iska kaashaday soo qabashada sida uu fircoon u ekaa markii uu dhimanayay, iyag oo adeegsanaya qaabka 3D ee madaxiisa si ay dib ugu dhisaan muuqaalkiisa.

Dib u dhiska cusub ee sawirka, Ramesses II, Fircoonkii ugu awoodda badnaa Masartii hore, ayaa hadda lagu aqoonsan karaa muuqaalkiisa. Habkan, waxay awoodeen inay beddelaan saamaynta gabowga oo ay ku soo celiyaan wejigiisa heerkii ugu fiicnaa.

Sawirka soo baxay, sida ay ku tilmaantay Sahar Saleem oo ka tirsan jaamacadda Qaahira, waxa uu muujiyay boqor aad u soo jiidasho leh.

Fircoon oo ilaahnimo sheegtay iyo in badan oo ka mid ah ciidamadiisa ayaa lagu halaagay badda cas farta gacanka aqaba ee u dhexeysa dalalka sacuudiga iyo Masar meel ku aadan halka loo yaqaano Nueiba ka dib markii Nebi Muuse iyo reer Bani Israel oo Fircoon uu daba joogay ay si nabad ah uga gudbeen gacankaas markii ALLE uu badda jid uga bixiyey, waxaana qisooyinka arrintaas la xiriira uu ALLE kaga waramay Quraanka kariimka iyo kutubtii samaawiga aheyd ee ka horeysay.

Meydka fircoon oo qalfoof ah ayaa waxaa uu yaallaa matxaf ku yaalla magaalada Qaahira inkastoo marar badan loo qaaday dalal ka tirsan Yurub si loogu sameeyo baaritaano sababay iney soo islaamaan qaar ka mid ah khubaradii reer galbeedka ee baaritaanka sameynayey markii ay xaqiijiyeen in fircoon uu ku dhintay biyaha badda, arrintaasoo uu quraanku Alle uga waramay 1400 oo sano ka hor.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in 70% ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab
Next articleCiidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka oo Weerar Saakay ku Qaaday Alshabaab