Home Wararka Maanta Weeraryahankii Arsenal iyo Everton Campbell oo geeriyooday

Weeraryahankii Arsenal iyo Everton Campbell oo geeriyooday

0

Weeraryahankii hore ee kooxaha Arsenal iyo Everton Kevin Campbell ayaa ku geeriyooday da’da 54-sano kadib markii uu xanuunsaday.

Campbell waxa uu dhaliyay 148 gool 542 kulan isaga oo uu u saftay sideed kooxood intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed.

Afar koob oo waaweyn ayuu la qaaday Arsenal, wuxuuna sidoo kale u soo ciyaaray Leyton Orient, Leicester, Nottingham Forest, Trabzonspor, Everton, West Brom iyo Cardiff.

Campbell muuqaalkiisii ugu danbeeyay isagoo ciyaaryahan ah wuxuu soo muuqday bishii Febraayo 2007 ka hor inta uusan u wareegin dhanka warbaahinta.

Everton ayaa sheegtay horraantii bishan in uu xanuunsaday bishii May uuna “aad ugu xanuunsanayo” isbitaalka.

“Aad ayaan uga niyad jabnay markii aan ogaanay in weeraryahankeeni hore ee Kevin Campbell uu geeriyooday ka dib markii uu muddo yar xanuunsanaa,” ayay tiri Arsenal.

“Kevin waxaa jeclaa qof walba oo kooxda ku sugnaa, dhamaanteen waxa aan ka fekereynaa asxaabtiisa iyo qoyskiisa waqtigan adag”

Everton ayaa tiri: “Qof walba oo Everton ah aad ayuu uga xumaaday geerida weeraryahankeenii hore ee Kevin Campbell isagoo 54 jir ah.

Ad
Previous articleAskar Ka Tirsan Ciidamada Booliska oo Sameeyey arintaan Cajiibka ah oo la Dalacsiiyay(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo Hal Goob ku Dilay Taliyayaashaan oo Katirsanaa Xooga Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here