Weeraradan ayaa sababay qaraxyo dhowr ah, waxaana qiiq isku shareeray magaalada, sida ay sheegeen maamulka iyo dad goob joogayaal ah.
Kyrylo Tymoshenko oo ku sugan xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa sheegay in saddex weerar oo ka dhan ah warshad tamarta ay ka dhaceen waqooyiga magaalada.Â
Ma uusan sheegin xarunta ay ku saabsan tahay. Duqa magaalada Vitalij Klitschko ayaa sheegay in weerarku uu ahaa “kaabeyaasha muhiimka ah” iyo in adeegyada gurmadka ay ku soo wajahan yihiin Weerarada
Seeriga difaaca cirka ayaa laga maqlay meelo badan oo Ukraine ka mid ah inta lagu guda jiro gantaalada cusub ee Ruushka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee habeenkii.Â
Maamulka Gobolada qaar oo ay ku jiraan Kharkiv, Dnipropetrovsk iyo Mykolajiv, ayaa sheegay Talaadadii in difaacyadooda cirka ay ka digeen balse gantaallada ayaa weli ku dhacay meelo badan.