Ciidamada Ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay kooxaha Alshabaab kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa toogtay 5 Alshabaab oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey.
Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Alshabaab ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.
Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Khawaarijtu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan. Waxaana ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo.