Sida ay sheegtay AFP Saddex qof ayaa ku sugan xaalad halis ah.
Wakaalladda Wararka ayaa sidoo kale sheegtay in Eedeysanaha oo ku hubeysnaa Mindi uu weerar ku qaaday Carruurta da’dooda lagu qiyaasay 3-sano oo ku sugnaa Beer lagu nasto oo u dhow haro ku taalla magaalladda Annecy.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa bogaadiyay faragelinta degdegga ah ee ciidamada ammaanka, isagoo sheegay in tuhmanaha la xiray.
Tuhmanaha ayaa loo malaynayaa inuu yahay magangalyo-doon Suuriyaan ah, sida laga soo xigtay warbixino kala duwan oo ay soo saareen warbaahinta Le Parisien, BFM TV iyo AFP.
Weli waraka wuu isasootarayaa ma hayno sawir dhamaystiran oo kusaabsan waxa ka dhacay Annecy ee dalka Faransiiska.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay