Warar soo baxay ayaa sheegaya in shil dad badan lagu dilay uu ka dhacay magaalada New Orleans ee koonfurta Maraykanka.
CBS News ayaa BBC-da la wadaagtay in gaari uu ku jiiray dad ku sugnaa waddada Bourbon Street ee magaalada New Orleans.
Maamulka magaalada ayaa sheegay in dhimashada hor dhaca ay ay gaartay 10-qof.
Saraakiisha Nola Ready, oo ah waaxda u diyaargarowga xaaladaha degdega ah ee magaalada, ayaa ku waramaya in 30 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalada, waxaana goobta soo gaaray ciidanka amniga sida ay maamulka magaalada sheegeen.
Goobjoogayaal ayaa wariye ka tirsan CBS News u sheegay inay arkeen gaari si xowli ah ku socda oo dadka jiiraya sidoo kale darawalka oo soo dagay uu rasaas ku furayo dadka.
Mid kamid ah dadkii wariyaha la hadlay ayaa sheegay inuu arkay dhaawacyo jidka yaalla.
Waaxda magaalada New Orleans, oo masuul ka ah diyaargarowga xaaladaha degdega ah ayaa dadka u dirtay digniino la xiriira inay ka fogaadaan aagga kanaalka iyo waddooyinka Bourbon, si khasaaraha u yaraado.
Muuqaalo laga soo duubay goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya dhaawacyo badan oo jidka daadsan, Dhanka kale waxaa la maqlayaa rasaas ka dhacaysa goobta, waxaana muuqatay dad badan oo yaacaya kuwaas oo jaha-wareersan.