Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday masrax uu ka socday bandhig faneed oo ku yaalla duleedka magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, ayaga oo dilay ugu yaraan 40 qof, dhaawacayna 100 kale.
Dableyda oo soo xirtay dharka militariga ayaa soo galay dhismaha, ayaga oo furay rasaas xooggan islamarkaana tuuray bam gacmeedyo, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka RIA Novosti oo ku sugnaa goobta.
Rasaasta ayaa kadib ku baahday hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka woqooyi ee Moscow, kaasi oo qaada kumanaan qof islamarkaana marti-geliyey heesaha fanaaniinta caalamiga ah.
“Sida ay sheegeyso xog horudhac ah, 40 qof ayaa la dilay, in ka badan 100 kalena waa dhaawac kadib weerarkii argagixisada ee hoolka Crocus City,” waxaa sidaas sheegtay hay’adda amniga Ruushka ee FSB, oo ay soo xigteen wakaaladda wararka Interfax iyo warbaahinta kale ee Ruushka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baaritaan “argagixiso” la billaabay, islamarkaana madaxweyne Vladimir Putin si joogto ah loola socodsiinayo xaaladda.
Dagaal-yahanada Daacish “ayaa weeraray isku imaatin ballaaran oo ka socday duleedka caasimadda Ruushka ee Moscow,” ayey kooxda ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta Telegram.
Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada ay “si nabad ah ugu laabteen saldhigyadooda.”
Ciidamada ilaalada qaranka Ruushka ayaa sheegay inay ku sugan yihiin goobta oo ay baadi goobayaan dambiilayaasha.
Alexei oo ah musikiiste ku sugnaa bandhigga ayaa AFP u sheegay “inuu maqlay rasaas si xooggan uga dhaceysa qoryaha darandooriga u dhaca, kadibna ooyin badan ay xigtay.”
Ciidamada ammaanka oo ay soo xigatay Interfax ayaa sheegay in qiyaastii laba illaa shan nin “oo xiran dharka militariga, islamarkaana wata qoryaha darandooriga u dhaca,” ay fuliyeen weerarka.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay