Home Wararka Maanta Weerar ka dhacay dalka Jarmalka oo dad lagu laayey

Weerar ka dhacay dalka Jarmalka oo dad lagu laayey

0

Dhacdo rasaaseyn ah oo ka dhacday magaalada Hamburg ee dalka Jarlkamka ayaa lagu dilay 6 qof; halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarka ayaa ka dhacay qol ay ku shirayeen dadka kaniisadda Jehova’s Witness. booliska ayaa sheegay qofka weerarka geystay uu kaligii ahaa, waxaana loo maleynayaa inuu dhintay. Waxaan caddeyn in qofka weerarka geystay uu ka mid yahay lixda qof ee geeriyooday ama toddobada dhaawacantay sida ay werinayso warbaahinta Jarmalku.

Illaa iyo hadda, ”majiro xog lagu kalsoonaan karo uu ku saabsan sababta weerarka” ayey boolisku sheegeen.

Tiro dad ah oo kale ayaa ku dhaawacmay rasaaseynta oo sidoo kale lala beegsaday dad marayey waddada Deelboge ee degmada Borstel.

Booliska ayaa sheegay in ay goobta ka heleen qof dhintay oo loo maleynayo inuu yahay dambiilaha weerarka geystay balse weli waxaa socda baaritaanno.

Booliska ayaa goobta loogu wacay abbaare sagaalkii iyo rubuc fiidnimo ee xalay xilliga dalkaasi, markaas oo lagu war geliyey in rasaas laga maqlayo dhismaha, sida uu sheegay af hayeen u hadlay booliska, Holger Vehren.

Saraakiisha booliska ee goobta gaaray ayaa arkay ”dad rasaastu dhaawacday oo qaar ka mid ah ay ka muuqdeen dhaawacyo halis ah”, ayuu yiri.

”Saraakiisha booliska ayaa sidoo kale rasaas ka maqlay qaybta sare ee dabaqa kadib kor ayey aadeen, halkaas oo ay sidoo kale ka heleen qof. Weli ma haynno wax caddeynaya inuu goobta ka baxsaday qof dambiile ahi.

Waxa uu sheegay in boolisku aanay weli aqoonsannin dulmaneyaasha, shaqada goobta weerarku ka dhacayna ii sii socoto.

”Kaliya waxaan ognahay illaa hadda in ay dhowr qof dhinteen dhor kalena dhaawacmeen, ibitaallada ayaa loo qaaday,” ayuu yiri Mr Vehren.

Sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka ”ayaan gabi ahaanba caddeyn”.

Digniin ayaa lagu diray app-ka dawladda ee digniinaha NINAwarn saacaddu markay ahayd abbaare sagaalkii fiidnimo xilliga maxalliga, taas loogu sheegayo dadka deegaanka in ”hal qof ama ka badan oo aan la garaneyn uu rasaaseeyay dad ku sugan kaniisad”.

Dadka deggan aagga weerarku ka dhacay ayaa loo sheegay in aany guryahooda ka bixin inta uu socdo hawl galka boolisku.

Muuqaal ayaa muujinaya booliska oo dad ka saaraya goobta iyagoo qaar ka mid ah gaarsiinaya gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Wasiirka gudaha ee Hamburg, Andy Grote ayaa barta Twitter-ka kuso qoray in ciidanka gaarka ah ee booliska iyo cutubya kale oo ka tirsan booliska lagu daabulay goobta.

Booliska ayaa dadka uga digay inay faafiyaan warar aan la hubin iyo male.

Jehova witnnes ayaa ah mid ka mid ah kaniisadaha ama madaahibta diinta masiixiga.

Waxaanay markii u horeysay kasoo muuqdeen Maraykanka oo ah halka laga aasaasay qarnigii 19-aad, oo markaas uu hogaaminayey Charles Taze Russell. Xarunta ururkan waxay ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleTaliye Sulub Axmad Firin oo soo xirey shirkii heyadaha amniga DF iyo dowlad goboleedyada(Sawiro)
Next articleTahriibayaal ku go’doomay jasiirad aanay waligoodba maqal.