Home Wararka Maanta Weerar Dhowr Jiho ah oo Alshabaab Looga Saaray Degaan Muhuiim ah oo...

Weerar Dhowr Jiho ah oo Alshabaab Looga Saaray Degaan Muhuiim ah oo Ka Tirsan Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolkaas.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Ceeldheer, iyada oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in la wareegeen deegaanka Cali yabaal oo qiyaastii 18 KM u jira degmada Ceeldheer, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in bariga gobolka Galgaduud ay ka xoreeyaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo sifeyn ah ka waday gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno badan oo hoostaga maamulka Galmudug

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya

Magaalada Muqdisho oo lagu xiray askari Taraafika ah oo dil u geeystay wade mooto bajaaj

War uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari kamid ah kuwa ilaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan kaa oo dil bareer

Hargeysa oo laga Mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha

Guddida Nabadgelyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa go'aanno ay gaadheen ku mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha, baangadaha iyo wixii la mid ah. Go'aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan laba
Ad
Previous articleTurkiga oo Bilaabay Baarista Shidaalka Soomaaliya iyo Markabkii Baari lahaa oo….
Next articleQaramada Midoomay oo Galabtay Kulan Xasaasi ah Ka Leh Xalaada Soomaaliya