Home Wararka Maanta Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay Jeddah

Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay Jeddah

0

Nin hubeesan ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho  ku qaaday xarunta Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay magaalada Jeddah, waxaana weerarkan si kulul u cambaareesay dowladda Mareykanka.

Wakaalladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in xalay fiidkii nin hubeesan uu gaari kaga degay afaafka hore ee Qunsulliyada Mareykanka ee Jiddah, waxa uuna ninkaasi rasaas ku furay ilaalada Qunsulliyada.

Sarkaal ka tirsan ciiddanka booliska Sacuudiga ayaa sheegay in Ninkii hubeysnaa uu rasaas ooda uga qaaday ilaaladda Qunsulliyada, waxaana goobtaasi ku geeriyooday mid kamid ah ilaalada Qunsulliyada iyo ninkii hubeesnaa ee weerarka qaaday.

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday Qunsulliyada, Mareykanka ayaana sheegay in muwaadiniintooda uusan khasaaro soo gaarin weerarka dhacay.

Booliiska Sacuudiga ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan lagu qaaday Qunsulliyada Mareykanka ku leeyahay Jiddah, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan shaqsiyada ninka weerarka geestay oo booliiska toogteen.

Ad
Previous articleMorocco oo jawaab adag ka bixisay Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay bartamaha Stockholm
Next articleDowladda Mali oo dalbatay in dalkeeda si degdeg ah looga saaro ciidamada Qaramada Midoobay