Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ku geeriyootay Luul Jaylaani Cali oo ahayd fannaanad iyo jilaa aad looga dhex yaqaannay bahda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Luul ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanayd iyadoona maalmihii u danbeeyay xaaladdeeda caafimaad ay sii darsatay taas oo markii danbe ay u geeriyootay.
Fannaanadda waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho iyadoona fanka ku soo biirtay dabayaaqadii lixdameeyadii, waxa ay ka tirsanayd hobolladii qaranka ee Waabari, iyadoona sanadihii dambe ku nooleyd dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Mareykanka.
Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah.
Sidoo kale waxa ay bariisamaadkii ku soo caanbaxday ruwaayado ka hadlayay wadaniyadda iyo jacaylka.
Luul waxa ay ahayd hooyo dhashay saddax wiil sidoo kale gurigeeda waxaa ku noolaa dad badan oo qaraabo la ah sida uu BBC-da u sheegay Shariif Mayow Cismaan (Shariif Jeeg) oo ay isla soo shaqeeyeen.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo ah maareeye ku xigeenka Wakaaladda Murtida iyo Wacyigalinta Soomaaliya kuna sugan dalka Australia, ayaa BBC-da uga warbixiyay aqoonta uu u leeyahay alle ha u naxariistee fannaanad Luul Jaylaani.
“Marka hore ehelka iyo carruurta waan uga tacsiyaynayaa geerida fannaanad Luul, oo ku geeriyootay Maraykanka, dhamaan hobolada iyo umadda Soomaaliyeed waan uga tacsiyaynayaa,” ayuu yiri abwaan Maki.
Abwaan Maki ayaa sheegay in muddooyinkii danbe fannaanadda ay xanuunsanayd dhowr jeer oo horana xaaladdeeda laga deyriyay sidoo kale la wariyay inay dhimatay balse qoyska ay beeniyeen sanadkii 2021.
Maki ayaa ka warbixiyay shakhsiyadda fannaanadda waxa uuna sheegay in fanka ay uga horraysay balse markii uu ku biiray wakaaladda murtida ay Luul kamid ahayd dadkii ugu horreeyay ee ku soo dhaweeyay masraxyada.
“Waxaan isku barannay ruwaayaddii iigu horraysay ee Maano-faay iyo Macow Maleelle, oo ay fikraddeeda lahaayeen Xaaji Sheekh Mayow Cali iyo Maxamed Nuur Shareeco oo geeriyooday, ereyada heesihii ruwaayaddaas aniga iyo Maxamed Sheekh Marko ayaa samaynay iyadana waxa ay ahayd qof aad iisoo dhawaysay oo gacan isiisay” ayuu yiri Maki Xaaji.
Waxa uu sheegay ruwaayaddaas kadib in ay howlo badan oo jilliin iyo fan la xiriira ay isla qabteen safarro badanna ay wada galeen.
Abwaan Makki ayaa sheegay in marxuumad Luul ay u badnayd jilliinka gaar ahaan ruwaayadaha banaadiriga iyo heeso jacayl.
Dhanka kale waxa uu soo hadalqaaday in xilliyadii dhexe ay ahayd xiddig ka soo iftiintay fanka Soomaaliyeed xilli ay gaartay inay samaysato istuudiyo u gaar ah oo ay ku duubto heesaheeda sidoo kale waxa ay lahayd kooxo u tuma qalabka kala duwan oo mussigga.
Abwaan Makki Xaaji Banaadir ayaa sheegay inay jiraan heeso uu allifay oo ay ku luuqaysay fannaanad Luul Jaylaani oo xalay geeriyootay.
Waxa uu ku tilmaamay inay ahayd qof qalbi wanaagsan oo dadka garab qabta sidoo kalena ay soo saartay jilayaal badan oo isugu jira rag iyo dumar iyo fannaaniin.
Luul Jaylaani waxay inta badan heesaha wada qaadi jireen fannaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Aweys Qamiis, Axmed Naajid Sacad, Axmed Shariif killer, Axmeday Abuukar, Axmed Falaash iyo kuwo kale oo dhamaantood ahaa faaaniin si weyn loo xiiseyn jiray heesahooda, waxaana si gaar ah loo xusay in Luul ay ka mid ahayd hoballada codka baxsan ee aadka loo xiisayn jiray.