Home Wararka Maanta Wax ka ogoow qiimeynta uu Maraykanku ku sameeyay amniga garoonka diyaaradaha ee...

Wax ka ogoow qiimeynta uu Maraykanku ku sameeyay amniga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Xili Maalinkii Labaad Ay Joogaanka Garoonka

0

Waxa maalintii labaad Muqdisho ku sugan saraakiil ka socota Hay’adda Amniga duulimaadyada Maraykanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (TSA), waxayna kulamo la leeyihiin xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo maamulka garoonka Aden Cabdule ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ka socoto Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka ayaa u kuur galaya, isla markaana qiimeyn ku sameynaya amniga garoonka Muqdisho si mustaqbalka loo gaaro in duulimaadyo toos ah oo ka baxa garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle uga dagaan garoomada Maraykanka.

Booqashada xubnaha ka socda TSA ayaa noqonaysa tii sedexaad, waxayna mar walba u kuur galayeen amniga iyo badqabka garoonka Aden Cabdulle, iyagoo markasta oo ay laabtaan warbixin soo siinayay Hay’adda Duulista Rayidka, warbixintaas oo isugu jirta dulduleelooyinka jira iyo talooyin la xiriirra sidii loo xalin lahaa.

TSA ayaa ka dooneysa garoomada Soomaaliya gaar ahaan ka Muqdisho in uu lahaado hannaanka caalamiga ah ee amniga garoomada.

Cabdiwali Ibraahim Aadan oo ah Maareeye Kuxigeenka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u Sheegay in muddaba uu jiray xiriirka u dhaxeeya labada hay’adood, taasoo keentay in laftigoodu aqoon kororsi u tagaan Maraykanka bishii la soo dhaafay.

“Safarkoodu waxa uu la xiriirraa sidii looga wadashaqayn lahaa amaanka garoomada, maadaama dalkeenu soo kobcayo oo uu korna u soo kacayo, waxayna lamid yihiin hay’daha kale ee dunida ee aan wadashaqayno,” ayuu yiri Maareeye Cabdiwali.

Saraakiisha ka socota Hay’adda Amniga Duulimaadyada Maraykanka ayaa xoogga saaraya sidii garoonka Aden Cabdulle heerkiisa amniga kor loogu qaadi lahaa si waafaqsan xeerrarka caalamig ah ee badqabka duulimaadya, iyadoo diiradda la saarayo qalabka iyo tababaridda shaqaalaha garoomada.

“Maadaama garoonka ugu weyn ee dalkeena ka shaqeeya uu yahay, fadhiga dawladduna yahay Muqdisho, ujeedadiisu waxay tahay in marka hore kan la fariisiyo, lagana wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa ama kor loogu qaadi lahaa Tayada aqoonta hawlwadeenadeena iyo aminga garoomada, ujeedadu intaas waaye, wadashaqayn lamid ah wadashaqaynta kale ee aan la leenahay dunida ayay kamid tahay,” ayuu yiri Mareeye Kuxigeenka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleRwanda oo Diiday inay celiso lacagtii lagu siiyay qaxootiga laga keenayo UK kadib Markii Uu burburay…
Next articleCiidamadii Ugu Badnaa oo Soomaaliland ah oo loo Qaaday itoobiya