Home Wararka Maanta Wasiirkiii Batroolka ee Xilka Laga Qaaday oo ka Hadkay Sababta Xilka Looga...

Wasiirkiii Batroolka ee Xilka Laga Qaaday oo ka Hadkay Sababta Xilka Looga Qaaday

0

Wasiirkiii Batroolka ee Xilka Laga Qaaday oo ka Hadkay Sababta Xilka Looga Qaaday ayaa Yiri:

Soo Dhowayn Wasiirka Cusub

Waxaan u hambalyaynayaa, Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, walaalkay Dahir Shire Maxamed.

Waxan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo aan la soo shaqeeyay mudadii aan hayay xilka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxaan si gaar ah Raisul Wasaraha uga mahad celinayaa hogaamintiisii ku salaysnayd aragti wadaaga iyo ixtiraamka.

Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.

Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele.

Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe. Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele.

Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda.

Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.

Ad
Previous articleMid kamid ah Wasiiradii ugu Daacadsanaa Xasan shiikh oo Goordhow Xilka Laga Qaaday
Next articleYaa Ka Danbeeyey in Ciidamada Dowlada ee Raaskanbooni lagu Jabiyo Dagaalkii Dhacay?