Home Wararka Maanta Wasiirkii Canshuurta Kusoo Rogay Dadka Reer Muqdisho oo Maantay loo Yeeray

Wasiirkii Canshuurta Kusoo Rogay Dadka Reer Muqdisho oo Maantay loo Yeeray

0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, waxay maanta xafiiskooda ugu yeereen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenkiisa Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, ayay xubnaha Guddigu waxay su’aalo ku saabsan hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed la yeesheen.

Wasiirka Maaliyadda iyo ku xigeenkiisa, si ay fasiraad dheeraad ah ugu helaan qodobo ka mid Hindise sharciyeedka oo uu guddigu gacanta ku hayo kana gudanayo waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

 

Ad
Previous articleMaxay ku Heshiiyeen Beelaha Sacad iyo laylkase ee dhawaan Dagaalo Qaraar Ku Dhex mareen Mudug?
Next articleYaa Diidan in Doorasho Ka dhcado Galmudug oo haatan Meel Xasaasi ah Maraaya?