Home Wararka Maanta Wasiirkii Amniga Israil oo Is Casilay kadib Fashilkii Ay kala kulmeen Gaza

Wasiirkii Amniga Israil oo Is Casilay kadib Fashilkii Ay kala kulmeen Gaza

0

Xisbiga midig-fog ee Jewish Power ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxayo dowladda sababo la xiriira heshiiska xabbad-joojinta, taasoo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uga tageysa keliya tiro yar oo xubnaha baarlamaanka ee taageersan ah.

Wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir, iyo Yitzhak Wasserlauf iyo Amichai Eliyahu, ayaa is casilaaddooda gudbiyay saakay.

Ben-Gvir ayaa muddo dheer kasoo horjeeday heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna Israa’iil ku riixayay inay sii waddo howlgalkeeda militari ee ka dhan ah Xamaasta ku sugan Qasa.

Warqadda uu u qoray Netanyahu ee ku dhawaaqidda is casilaaddiisa, ayuu Ben-Gvir ku sheegay inuusan ka shaqeyn doonin rididda dowladda, balse wuxuu heshiiska xabbad-joojinta ugu yeeray “guul dhammeystiran oo usoo hoyatay argagixisada”.

Ad
Previous articleGawaaridii ugu horreeyay ee gargaar sida oo galay Qasa
Next articleXamaas oo ugu dambeyn fulisay shuruudda Israa’iil iyo xabbad-joojinta oo goor dhow dhaqan-galeysa