Home Wararka Maanta Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo ka jawaabtay Eedeen loo jeediyay

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo ka jawaabtay Eedeen loo jeediyay

0

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedayn loo jeediyay oo ku saabsanayd in wasiirka gargaarka ay shaqada ka eriday 16 shaqaale ah oo boosaskoodii cid kale lagu bedeshay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu beeniyay eedayntaas, waxayna wasaaraddu sharci darro ku tilmaamtay warqad baraha bulshada lagu faafiyay, oo lagu sheegay in wasiir Khadiijo, dad beesheeda katirsan ay ku buuxisay boosaskii laga eryay shaqaalaha kale.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aanu jirin shaqaale ku beel ah wasiirka gargaarka oo hadda ka shaqeeya wasaaradda, iyadoo sheegtay in ay baaritaan ku sameynayso cidda ka faafisay warka eedaynta ah.

Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo kamid ahaa shaqaalaha sheegay in shaqada laga saaray, isla markaana BBC Somali ka eedeeyay wasiirka gargaarka, ayaa qoraalka lagu sheegay inuu ahaa shaqaale kumeel gaar ah, kaasoo 7 bil  ka hor ku laabtay magaalada Garowe.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDhalinyaro ka soo jeeda Galmudug oo ka digay Boobka 3 kursi
Next articleGalmudug oo Soo saartay Amaro ku Qotoma dadka dhuxusha ka Ganacsada